Sawiro: Muxuu Farmaajo Kala Hadlay Musharaxiinta?

by Farah C/laahi | Friday, Feb 10, 2017 | 31 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay Hoteelka Jazeera kulan kula yeeshay Musharaxiintii Isbadal doonka ahaa ee doorashadii la soo dhaafay.

Mudane Farmaajo ayaa kala hadlay Musharaxiinta taladooda ku aadan qof noqon doona Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Musharaxiinta u balan qaaday in uu soo xuli doono Ra’iisul wasaare wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed ee dhibka ku jira.

Shir jaraa’id oo uu qabtay xalay shaqdii dhexe Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu kual hadlay bulshada Soomaaliyeed oo uu uga baaqay in dib guryahooda ugu laabtaan, madaama ay guul weyn gaareen.

Waxa uu u mahadceliyay xildhibaanada sharafta leh oo ay u doorteen qofkii ay rabeen Umadda Soomaaliyeed.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response