SAWIRO: Duqa Muqdisho oo Banaabax u dhigay Farmaajo

by Farah C/laahi | Saturday, Feb 11, 2017 | 24 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Dibada bax balaaran oo lagu taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Boqolaal dad weyna ah oo ka yimid xaafadaha 17ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay, waxana uu ka dhacay Fagaaraha taalda Daljirka Dahsoon.

Dibad baxa waxaa soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Banaadir ay yihiin kuwa diyaar u ah dowladnimo iyo wadaniyad isla markaana ay horay u muujiyeen kaalintooda soo dhaweyn ee Madaxweynaha la doortay.

DAAWO SAWIRRO:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response