Sawiro: Banabax Ka Dhacay Goor Dhaw Muqdisho

Sawiro: Banabax Ka Dhacay Goor Dhaw Muqdisho

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Banaanbax lagu taageerayay guushii Soomaaliya ayka  gaartay muranka Dacwadda Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Daljirka Daahsoon, kadib markii Maxkamadda ICJ oo fadhigeeda uu yahay Magaalada Hague ee Dalka ay ogolaatay in ay qaado Dacwadda Badda.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, Ururka  Haweenka, Kooxda fanka ee Heegan iyo Dadweyne la kala keenay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay Banaanbaxan.

Shacabkii ka qeyb galay Banaanbaxan ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin Dad Soomaaliyeed oo isku duuban, lehna Dowlad awood leh, iyagoo sidoo kale sheegay berri samaadkii Dowladda Kenya in ay hoos imaan jirtay Soomaaliya, balse maanta ay isku dayayso in ay dhacdo Badda, maadaama Soomaaliya ay kala daadatay.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY