SAWIRO: Amiir Ka Tirsanaa Xarakada Al Shabaab oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

SAWIRO: Amiir Ka Tirsanaa Xarakada Al Shabaab oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa xalay xaafada Suuqa xoolaha ee Degmada Hilliwaa waxa ay ku dileen nin Shabaab ka tirsanaa, kadib Dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa Risaala u sheegay in Ciidanka ammaanka ay ka hortageen weerar Shabaab ay ku soo qaadeen fariisin Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin xaafada Suuqa xoolaha, halkaasina uu ku dhexmaray Dagaal kooban.

Ciidamada Booliska oo gurmad ka helay Ciidanka NISA ayaaa sababtay in nin Shabaab ka tirsan weerarkaasi lagu dilo, sidoo kalena Ciidamada ay soo furtaan Hub ay wateen Dagaalyahada Shabaab.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay ninka la dilay in lagu magacabi jiray Amiir Jacfar oo ahaa Amiirkii Shabaabka ugu magacawnaa xaafadda Suuqa Xoolaha, isaga oo sidoo kale sheegay in Ciidamada ay soo furteen Laba qori oo uu haystay, oo midi uu Baasuuke yahay.

Dadka Degaanka ayaa Risaalau sheegay xalay in ay ku seexdeen jawi cabsi ah, maadaama Labada dhinac in mudo ah ay isdhaafsanayeen Rasaas laga maqlayay Degmada Hilliwaa, sidoo kalena ay ka cabsi qabeen in mar kale halkaasi uu ka dhaco Dagaal.

Xaalada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hilliwaa ayaa saakay waxa ay tahay mid degan waxaana Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay wadaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

 

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY