Sawiro: Al Shabaab oo Kenya Weeraray Bangi iyo Maqaaxi

by Farah C/laahi | Monday, Jan 23, 2017 | 36 views

MANDHEERA (Garsoor Online) — Weerar ayaa lagu qaaday Nawaaxiga Bangi ku yaala Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, sida ay sheegeen saraakiisha Amaanka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in weerarkaasi lagu qaaday Bangiga, laakiin dadka wax ku noqday ay ku sugnaayeen Maqaaxi ku taala nawaxiga Bangiga, waxana uu ku dhintay 1 ruux, kaasi oo ilaalo ka ahaa Bangiga Equity Bank.

Halka uu weerarku ka dhacay waxaa ka agdhaw Guriga Gudoomiyaha Magaalada Mandheera halkaasi oo lagu arkay meydka Ninka dhintay.

Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa ku eedeeyay weerarkaasi in ay ka danbeeyaan Dagaal yahada Al Shabaab oo horay halkaasi weeraro uga geystay.

Xaalada Magaalada Mandheera ayaa hada dagan waxana la sheegayaa in Ciidamada Amaanka Kenya ay sameeyeen baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Magaalada ayaa waxaa saaran Bandaw waxana xayiran dhamaan isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Al Shabaab wali kama hadlin weerarka lagu qaaday Bangiga laakiin waxaa la maleynayaa in dagaalamayaashoodu ay weerarkaasi fuliyeen.

Garsoor Online — MANDHEERA

Like it? Share it!

Leave A Response