Sarkaal Ka Tirsanaa Al Shabaab oo Lagu Soo Bandhigay Sh/hoose + Magaciisa

by Farah C/laahi | Sunday, Jan 15, 2017 | 78 views

QORYOOLEY (Garsoor Online) — Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa la soo sheegayaa in uu isku dhiibay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Sh/hoose ee Koofurta Soomaaliya.

Abuubakar Sidiiq oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Goryooley, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Gaashaale Cali Waal oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska degmadaasi.

Gaashaale Cali Waal ayaa sheegay in Sarkaalkan uu maamuli jiray deegaanka Doonburaale oo hoostaga degmada Qoryooley gobolka Sh/hoose., isla markaana uu ka soo goostay Al Shabaab.

Al Shabaab kama hadlin warka ka soo baxay Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Sh/hoose.

Dhawr jeer oo hore ayay saraakiisha dowladdu soo bandhigeen rag ay sheegeen in ay ka soo goosteen Xarakada Al shabaab.

Garsoor Online — QORYOOLEY

Like it? Share it!

Leave A Response