Safiirka Itoobiya: Ciidamadii ka soo baxay Ceelbuur kama tirsana AMISOM

by Farah C/laahi | Tuesday, Apr 4, 2017 | 29 views

Muqdisho (Garsoor Online)– Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee isaga soo baxay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud aysan ka mid aheyn howlgalka AMISOM.

Danjire Mustafa ayaa waxuu qeexay in Ciidamada Itoobiya ay 3 Sano ku sugnaayeen Degmada Ceelbuur.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Dowladda ay ku fashilantay in Shacabka ay ku soo celiso halkaasi.

Waxaa ugu dambeyn uu shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay sidii ay shacabka ugu celin la heyd Degmada Ceelbuur.

Sikastaba, Xoogaga Al Shabaab ayaa dib ugu soo laabtay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo haatan halkaasi ka sameystay fariisimo kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response