Safiir UK ee Somalia oo Sharci Daro ku Howlgalla

Safiir UK ee Somalia oo Sharci Daro ku Howlgalla

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — David William Concar waa safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday ee (UK) ay u soo magacaabeen Soomaaliya.

Waxaa la sheegaya in safiir David William uusan wali helin Aqbladaada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ama ogolaashaha ah in dalka uu ka shaqo bilaabo.

Sidaasi oo ay tahay Ambassador David waxa uu guda galay howlihiisii shaqo, waxana uu maalinkasta kulamo aan sharci aheyn uu kula qaataa safaarada UK ee ku taal Xalane xubno kala duwan oo Soomaaliya.

Safiir David ayaa dhismaha safaarada waxa uu kulamo kula qaatay xubno matalya bulshada qeybaheeda kala duwan, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiin.

Dadka wax yaqaan Diblomaasiyada ayaa u sheegay Garsoor Online in sharci daro ay tahay in danjire aan madaxweynuhu aqbalin uu bilaabo shaqooyin, taasina ay ka soo horjeedo shuurcda caalamiga ah.

Danjire David William Concar ayaa loo magacaabay in uu badalo safiiradii hore Hariet Mathews maalmihii lagu jiray kala guurka, mana jirto warqada uu ka gudoomay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY