Sacuudiga: Kama dambeyno weerarkii ay ku dhinteen Soomaalida

by Farah C/laahi | Monday, Mar 20, 2017 | 53 views

Caden (Garsoor Online)–Xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa ka dalbaday Qaramada Midoobay in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan weerarkii duqeynta ahaa ee lagu beegsaday Dooni ay la socdeen Muwaadiin Soomaaliyeed.

Isbaheysiga uu horkacayo Sacuudiga, ayaa bayaan ka soo baxay waxaa lagu sheegay in Weerarkaasi oo ay ku dhinteen 42 Ruux oo Qaxooti Soomaaliyeed ahaa ay fulisay Diyaarad nuuca loo yaqaano helicopter-ka.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu beeniyay in Xulufada Sacuudiga ay ka dambeeyeen Weerarkaasi ka dhacay Xeebaha Dalka Yemen.

Soomaalidii ku dhintay Duqeyntaasi ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen Dalka Sudan, si ay halkaasi uga sii tahriibaan.

Hadalka Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga oo Dalka Yemen kula Dagaalama  falaagada Xuutiyiinta ayaa waxuu imaanayaa xili Ku Simaha Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya uu ku eedeeyay Xulufada Sacuudiga in ay mas’uul ka ahaayeen Weerarkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response