RW Xasan Kheyre oo Wey doona Dhalashadiisa

by Farah C/laahi | Saturday, Feb 25, 2017 | 61 views

OSLO (Garsoor Online) — Xisbi Fadhigiisu yahay dalka Norway ayaa sheegay in ay haboon tahay in Dhalashada lagala laabto Ra’iisulwasaaraha Cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo haysta Dhalashada dalka Norway.

Xisbiga FRP oo ah Xisbi Talo wadaag ah oo ka shaqeeya dalka Norway ayaa waaxda Socdaalka dalkaasi u soo jeediyay in Ra’iisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Dhalashada laga xayuubiyo, madaam uu Soomaaliya Madax ka noqday.

Afhayeenka Xisbigaasi Mesyar Keshvari ayaa Warbaahinta Qaranka dalkaasi u sheegay in ay doonayaan in Xasan Cali Kheyre uu ku ekaado oo kaliya Dhalashada Soomaaliya , islamarkaana uu meel iska dhigo mida Norway.

Sharciga dalka Norway ayaa diidaya in Muwaaniinta haysta labo dhalasho ay xil ka qabtaan dalalka ay kasoo haajireen.

Xasan Cali Kheyre ayaa haysta Dhalashada dalka Norway, waxaana waxbarashadiisa uu kusoo qaatay dalkaasi.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response