RW Cumar oo Maanta Si Caro Leh uga Hadlay Doorashada

RW Cumar oo Maanta Si Caro Leh uga Hadlay Doorashada

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si kulul uga hadlay Arrimaha Doorshada Soomaaliya.

Musharax Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in wadamada dariska ah iyo kuwa kale oo shisheeye ay faragalin ku hayaan doorashad Soomaaliya, waxana uu qiray in musharax gaar ah ay taageero u hayaan.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay hada lee dahay hay’adihii ugu muhiim saneyd oo ah Sharci dajinta, waxana uu muujiyay in loo daayo dhankooda go’aanka saxda ah in ay qaataan.

Cumar Cabdirashiid waxa uu aad ugu dheeraaday in Maamul goboleedyada dalka lagu cadaadinayo in ay qof gaar ah taageeraan, isla markaana ay awoodooda isugu geeyaan sidii musharaxaasi uu u soo bixi lahaa.

Waxana uu arinkaasi ku tilmaamay mid caqabad ku noqon kara, doorashada sanadkan la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 8 bishan waxana ku tartamaya musharaxiin uu kamid yahay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Dhageyso Hadalkii RW Cumar uu Maanta Jeediyay:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY