Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid: Xildhibaano Go’aan Sax ah Qaata

Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid: Xildhibaano Go’aan Sax ah Qaata

0
SHARE

KAMPALA (Garsoor Online) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ah musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyne ayaa fariin u diray xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa tilmaamay in Xildhibaanadu ay yihiin kuwa go’aanka ka gaari kara xaalada Soomaaliya ay ku jirto iyo in isabadal loo horseedo.

Saacid ayaa muujiyay in masiirka Soomaaliya uu ku jiro gacanta xildhibaanada, isla markaana sida ay go’aan u qaataan xildhibaada uu noqondoono muqaalka Soomaaliyada Mustaqbalka.

Waxa uu ugu Baaqay Xildhibaanada cusub in ay u hiiliyaan in hogaanka hada jira aan dib loo dooran si dalka loo samata bixiyo, sida uu hadalka u dhigay Saacid.

Garsoor Online — KAMPALA

LEAVE A REPLY