Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad ka jeediyey shirweynaha Doxa

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad ka jeediyey shirweynaha Doxa

0
SHARE

DOXA (Garsoor Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Dooxa ee dalkaasi qadar   waxaa uu kaga hadlay daruufaha jira , horumarka dalka Soomaaliya iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Qaxootiga.

Wuxuu codsaday in adduunku ayan indhahooda ka qaadin Soomaaliya, isagoo xusay  in duruufo badan oo daashaday ka dib ay hadda muuqato fursad dhab ah oo garab istaag lagu siin karo.

“inaga kan dowlad ahaan waxaa naga go’an inaan sameyno isbadal dhab ah, oo aan wadanka uga saarno daruufaha heysato,waxaan diyaar u nahay wada shaqeyntiina, waxaana u baahanahay taageeridiina, si loogu guuleysto isbadal mira dhal ah.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

khudbadiisa ra’isul wasaaruhu wuxuu  diiradda ku saaray arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa sheegay in caalamka looga fadhiyo inay ilgaar ah ku fiiriyaan daruufaha heysato qaxootiga Soomaaliyeed oo ah kuwa badan caalamka, waxaa uu u xaqiijiyay madaxdii ka qaybgashay shirka inay dowladda cusub ay ka go’antahay soo dhowynta iyo daryeelka dadka Soomaaliyeed ee ku soo laabanaya dhulkoodii hooyo.

Gees kale, Intii uu socday shirka Dooxa, Ra’isul Wasaaruhu wuxuu kullamo doceedyo la yeeshay Amiirka dalka Qadar sheekh Tamiim Bin Xamdan   iyo ra’isul wasaaraha dalka lubnaan kulan la qaatay dhigiisa dalka Lubnaan Sacad Rafiiq Al-xariiri oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashi dhex mara labada dowladood.

Gabagabadadii, shirweynaha Dooxa ee sanadkan oo looga hadlayay iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda waxaa ka qaybgalay Madaxweynayaasha Suudaan, Muritaaniya, Ra;isul Wasaaraha Lubnaan iyo Amiirka dalka Qadar oo shirka furay.

Horseed Media

LEAVE A REPLY