Akhri Qormo Xiiso Badan: Farmaajoow Maxaad Fali?

by Farah C/laahi | Saturday, Feb 11, 2017 | 33 views

Ibraahiim Cismaan Afrax (Garsoor Online) — Waxa si weyn loo hadal hayaa doorashadii ka qabsoontay dalka taas oo ay ku loollamayeen 21 musharrax.Intuba waxay ku hardamayeen kursiga madaxweynenimo ee dalka.Saadaal iyo qiimeyn ay sameeyeen khubaro caalami ah ayaa beenowday.halka filashadii shacabka Soomaaliyeed ay rumowday. Lama filaan ayey noqotay natiijadii ka soo baxday doorashada. Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo loo yaqaanno Farmaajo waa madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya afarta sano ee soo socota.Doorasho aanan leysla gaarin wareegga saddexaad ayuu kaga adkaaday dhammaan murashaxiintii la tartamayey oo qaarkood tanaasulay.Guusha kaddib, waxa soo if-baxay aragtiyo ku aaddan siyaasadda uu dalka ku hoggaamin doono inta uu xilka hayo.Inta aanan u gudo galin waxyaabaha horyaalla, caqabadaha iyo sida uu xalku noqon karo aanu milicsanno in kamid ah sooyaalkiisa nololeed, waxbarasho iyo waayo-aragnimo.

Taariikh Kooban.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ah madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho 5-tii Maarso, sanadkii 1962-kii.Waxa lagu naaneysaa Farmaajo, asal ahaanna waa erey Af-talyaani ah (Formaggio) halka afka ingiriisiga ahna uu noqonayo Cheese oo macnihiisu yahay Burcad.Waa siyaasi ahna diblomaasi gaaray heerka barfasoornimo.Intii u dhaxeysay 1985 – 1989 wuxu ahaa danjiraha Soomaaliya ee waddanka Mareykanka.Wuxu shahaadada M.A iyo B.A ka qaatay jaamacadda Buffalo ee ku taalla New York sanadihii 1997-kii iyo 2000.Wuxu hayey xilka raysul wasaaraha Dowladdii ku meel gaarka aheyd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed intii u dhaxeysay 1-dii Nov 2010 – 19-kii June 2011.Waanaguddoomiyaha xisbiga Tayo.

Soo If Bixiddii Magaca Farmaajo.

Markii loo magacaabay jagada raysul wasaaraha Dowladdii Ku Meel Gaarka aheyd ayaa wuxu soo dhisey golihii wasiirrada.Dowladda oo xilligaas gacanta ku haysay masaafo kooban oo kamid ah caasimadda ayaa ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOMwaxa  ay billaabeen guluf colaadeed oo ka dhan ah ururka Alshabaab. Waxa u suurto gashay in dagaallamayaashii xilligaas ee Al-shabaab maalmo gudohood looga saaro magaalada Muqdisho.Sidoo kale meelihii ugu muhiimsanaa intii uu xilka hayey ee ciidamada dowladda iyo kuwo deriska ah ay la wareegeen waxa kamid ahaa gobolka Gedo. Hase ahaatee guulahaasi ma aysan sii socon, waxana dhacday in uu xilka isaga dego kaddib shir ka dhacay magaalada kampala oo laga soo saaray go’aamo u cuntami waayey shacabka Soomaaliyeed.

Shirkaas waxa dabada ka riixayey madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo xilligaas ay ciidamadiisu ahaayeen kuwa ugu badan ee AMISOM ka socda kuna sugan Soomaaliya.Xogo daahsoon oo goor dambe la baahiyey ayaa sheegay in Museveni uu ugu caga-jugleeyey madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyihii baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan in ay saxiixaan heshiiskaas oo uu goob jog ka ahaa Augustine Mahiga, wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Iyadoo ay si dardar leh ku socdeen hawlgallada deegaannada iyo gobollada dalka looga saarayey dhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa mar qura waxay dadka Soomaaliyeed ka war-heleen is casilaadda Md. Farmaajo oo shir ay saxaafaddu goob jog ka aheyd ka caddeeyey arrintaas. Mid kamid ah qodobbadii kasoo baxay heshiiskii Kampaala ayaa dhigayey in meesha laga saaro Raysulwasaaraha.Inkastoo uu ku adkeystay in uu xilka sii hayo, wuxu markii dambe goostay in uu tanaasuloLaakiin waxa muuqatay in cadaadis siyaasadeed lasaaray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidaana uu isku casilay.

Ololihii Doorashada ee 2017.

Md. Farmaajo wuxu sameeyey is-beddel weyn kaddib doorashadii dhacday sanadkii 2012 taas oo uu kahelay kaliya 14 cod una dhiganta 5.19%. Doorashada 2017 waxay aheyd darsi tusaalihiisa wata kaas oo wax badan soo kordhiyey. Isagoo taageero ka helaya shacabka Soomaaliyeed ayuu helay dhallinyaro kaalin mug leh ka qaadatay ololihiisa siyaasadeed.Wuxuna noqday musharaxa ugu shacbiyadda badan marka loo eego dhiggiisa kale.

Dad badan ayaa aaminsanaa in guusha Farmaajo ay ku koobantahay baraha bulshadaoo inta badan laga buunbuuninayeyl iyo barnaamijyada ay sii daayaan muuq-baahiyeyaasha iyo idaacadaha kuwaas oo lagu aruurinayey aftida dad-weynaha.Taageerada xooggan ee uu shacabka ka heysto waxay dadka siyaasadda indho-indheeyaa ay ku tilmaameen mid aan lagu qiimeyn Karin laguna saadaalin Karin doorasha dhaceysalagana yaabo in wareegga koobaad uu kasoo gudbi waayo siduu ugu fashilmay doorashii horeba.Arrintaaswaxalagu macneeyeyin ay kala duwanyihiintaageerada shacabka iyo kalsoonida xildhibaannada baarlamanka.

Guusha Iyo Dhaarintiisii.

Siddeedii feebaraayo ee sanadkan 2017 waxay maalin la filayey, la feejignaa oo umuurta dhaceysey ay ku faafsaneyd gayiga Soomaaliyeed iyo dunida qeyb kamid ah.Waa markii ay rumowday rajadii shacabka Soomaaliyeed oo muddo u hanqal taagayey natiijada kasoo baxeysa doorashada madaxtinimo ee dalka oo dhowr goor baaqatay taas oo ay ku loollamayeen 21 musharrax. Tirada cod bixinta ee wareegga koowaad iyo kan labaadba waxay yididdiilo galiyeen shacabka Soomaaliyeed oo xaqiiqsaday in xubnaha metelaya ee baarlamanku (labada aqal) ay ka dhabeeyeen rabitaankooda.

Inkastoo wareegga labaad iyo kii saddexaadba intaan leysla gaarin ay go’aanno geesinnimo leh qaateen raysul wasaarihii iyo madaxweynihii waqtigoodu dhammaaday oo kala ahaa Cumar Cabdirashiid Cali iyo Xasan Sheekh Maxamuud, haddana dadka siyaaadda indho-indheeya waxay aad uga hadleen arrinta madaxweynaha. Haddii Xasan Sheekh Maxamuud uu ku adkeysan lahaa la tartamidda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareegga labaad helay 184 cod halka uu isaguna heystay 97 cod, waxa muuqatay in uu wajahayey guul-darro qaraar iyo in looga adkaado codadkii ugu badnaa ee abid looga guuleysto musharrax u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya. Sidaas daraaddeed wuxu goostay in uusan galin hardanka wareegga kala baxa ah ee saddexaad, kaas oo soo af-jaray shaki ahaa in uu mar kale soo laabto.

Markii uu tanaasulay Md. Xasan Sheikh Maxamuud waxa durba magaalooyin badan oo ku yaalla gudaha dalka iyo dibadda ka bilowday dabaal-deg aan hore loo arag oo ka duwan kuwii hore loogu sameyn jiray madaxdii hore ugu guuleysatay kursigan.Isla goobta ay doorashadu ka dhaceysay waxa lagu dhaariyey madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxu noqonayaa madaxweynihii 9-aad oo ay yeelato Soomaaliya.Sida caadada ahna waxa horyaalla hawlo ay adag tahay in go’aan laga gaaro.Siyaasadda gudaha iyo dibadda oo la sheego in ay ku fashilmeen raggii isaga ka horeeeyay ayaa looga fadhiyaa in uu ku wajaho qorshe cad.Haddaba siyaasadda dibadda inteynaan guda galin, waxan si kooban uga warrameynaa jagooyinka iyo meelaha ugu muhiimsan ee kor u dhigi kara hoosna geyn kara.

Caqabadaha iman kara Iyo Xalka Ugu Dhaw.

1: La Taliye iyo Raysul-Wasaare

Sida aan xusuusanno intii uu hayey xilka ra’isul-wasaarenimo ee xukumaddii tayo, wuxu kasbaday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed kaddib waxqabad muuqda oo ay la yimaadeen isaga iyo saaxiibbadii muddo aan sanad dhameyn.Laakiin waxa jira su’aalo aynaan is weydiin badankeen. Mas’uul kasta waxa horumarin kara dibna u dhigi kara la taliyihiisa marka su’aasheydu waxa weeye “Kuma ayuu ahaa la taliyihiisii gaarka ahaa ee xilligaas?” “haddiise ay koox badan ahaayeen hadda ma joogaan ama ma la heli karaa?”

Inkastoo xilka Md. Farmaajo ee haatan uu ka duwanyahay kuwii uu hore u soo qabtay haddana waxan aaminsanahay in uu madaxweynuhu u baahanyahay rag ula taliya sida kuwii hore, markuu reysul-wasaaraha ahaa ay usiin jireen soo jeedinnadii uu ku tanaaday dalkuna ku tisqaaday. Haddiise jagadaas loo dhiibo qof aan bisleyn, aragti dheereyn oo aan la socon hannaanka siyaasadda magoogan waxay ila tahay in uusan heli doonin garbo uu ku duulo.

Madaxweynaha Soomaaliya, La taliye kaliya uma baahna ee waxay u baahantahay la taliyeyaal ka samata bixiya marxaladaha adag ee ka soo food saara gudaha dalka iyo dibadda. Walow madaxweyne kasta uu ka caqabado duwanyahay kan ka horreeya ama ka dambeeya, haddane waxa lagama maarmaan ah in la helo hoggaan dhan kasta ka feejigan, fiiro dheer misana danta guud abbaara.

Madaxweynihii isaga ka horreeyey Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu xilka hayey wuxu soo magacaabay raysul wasaarayaal 3ah balse wadarta guud ee xukumaddiisa soo qabatay xilkaas waxay gaarayaan (afar).arrintaasoo la oran karo waxa sabab u ahaa go’aamo markii horeba laga fiirsan lana rog-rogin. Had iyo jeer, in uu raysulwasaare la jaan-qaadi kara qorshihiisa siyaasadeed soo magacaabo waxay ku xerantahay wada tashiyada uu la yeesho xubnaha mudan in lala wadaago go’aamadaas.Masuulka uu soo xulan doonana waa kan labaad ee sare u qaadi kara sumcadda xukuumadda iyo kalsoonida ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Magacaabista raysulwasaare noqda tusaale lagu dayan karo waxay gaashaan u noqon kartaa musuq-maasuqa lagu eedeeyo in ay ku kacaan golaha wasiirrada. Halka sida weyn isha loogu hayaana waxa weeye wasaaradaha kala ah maaliyadda, waxbarashada, garsoorka, amniga iyoarrimaha dibadda.Haddii mid kamid ah uu tuhun soo galo, wuxu wasiirka koowaad awood u leeyahay in uu u gudbiyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka si xilka looga qaado masuuliyiinta lagu arko khiyaano-qaran.

2: Amniga Iyo Dhaqaalaha

Qudbaddii uu ka hor jeediyey baarlamanka waxyaabaha sida gaarka loogu xusuusto waxa kamid ah arrimaha nabad-galyada oo uu kaga hadlay si ka duwan musharraxiinta kale.Wuxu ballan-qaaday in ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay qaadayaan dagaal ka dhan ah Alshabaab.Sidoo kale waxa jirtay in uu ka dhawaajiyey ballan-qaad ahaa in bil kasta lacag Hal Milyan oo dollar ah la diyaarin doono. Waxana qeyb kamid ah lacagtaas (boqol kun oo dollar)lagu abaal-marin doonaa ciddii soo sheegta falal amni darro sida qaraxyo iyo weerarro ay soo qaadaan al-shabaab. Walow uusan madaxweynuhu xaqiijin in arrintaas ay sidoo kale ka jirto gobollada iyo magaalooyinka kale ee dalka haddane waxa muuqata in xoogga uu saaray magaalada Xamar oo hooy u noqotay dagaal iyo qarax.

Lacagta intaas la’eg ee la siinayo dadka soo sheega qaraxyada iyo sidoo kale dhaqaalaha ku baxaya dagaallada ay dowladdu la galeyso Alshabaab waxay u baahanyihiin in la hubsado halka laga helayo.Ka sokoow taageerada ay beesha caalamku siiso dowladda Soomaaliya, waxa maareyn iyo qorshe lagu wajaho u baahan dhaqaalaha kale ee lagu tabayo dekedaha waaweyn ee dalka kuwaas oo wax badan tari kara .

Muran kama taagna in dhulkeennu hodon yahay ayna ka buuxaan baatrool, gaas dabiici ah, Yuranyom iyo macaadin kaloo badan laakiin soo saaristoodu waxay qaadaneysaa ku dhawaad nus qarni. Inta laga gaarayo mashruucyadaas macaashkooda waxa dowladda la gudboon in ay gacanta ku dhigto maamulka dekedaha dalka si looga baxo isku halleynta shisheeyaha. Waase markii la oran jiray “haddeey rag rabtaa, raggeedii beey rabtaa”. Oo waxa ay noqoneysaa in si dhaw loogu dhego nuglaado codsiyada iyo rabitaannada maamul goboleedyada ka arrimiya goobahaas.

Dib markaynu u milicsanno xaaladihii kala duwanaa ee uu dalku ku sugnaa, Xukumadihii horewaxay ku guul-darreysteen in ay la wareegaan maamulka dekedaha marka laga reebo midda Xamar.Qolo kastana waxay ku andacoodeen in marka hore ay dowladdu la wareegto dekedaha kale, dabadeedna ay diyaar u yihiin arrintaas.Haddaba dhaqaalaha kasoo baxa dekedaha ku yaalla Kismaayo, Muqdisho, Hobyo, boosaaso iyo Berbera waxay laf-dhabar u yihiin dhaqdhaqaaqa xukumadda.Marka waxa weeye in geed gaaban iy geed dheerba loo fuulo arrintaas ayada ah. Inkastoo ay dhici karto in maamul goboleedyadaas ay la showraan dowladaha deriska ah sida Itoobiya iyo Keenya oo dano toos ah iyo kuwo maldahanba ka leh gayiga Soomaaliyeed, taasinaaymija-xaabiso awoodda dowladda.

Qudbadaha madaxweyne Farmaajo iyo guud ahaan dardarta uu ku soo galay ololaha doorashada 2017 waxay dadka qaarkood ku dhaliilayaan in ay ka muuqato kali-talisnimo.Dhammaan maamul goboleedyada haatan dalka ka jira, haddaan loola dhaqmin si dabacsan taasi waxay hurineysaa xurguftii kala dhaxeysay xukumadda. Waxana fursad helaya dowladaha cadawga ku ah wada jirka Soomaaliyeed sida ku xusan maqaal uu amuurahaasi ku faaqiday Dr. Maxamed Daahir Afrax sanadkii 2011, isagoo soo xigtay warbixin qoto-dheer oo uu qoray khabiir lagu magacaabo Dr. Michael Weinstein barena ka ah jaamacadda Purdue ee ku taal Chicago, USA.

3: La Macaamilka AMISOM Iyo Dalalka Shisheeye

Durba waxa shacabka Soomaaliyeed oo xamaasaddu ka tan-badatay ay billaabeen muujinta naceybka ay u qabaan ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka.Waa qab-weynida lagu yaqaan Soomaalida’e wuxu dareenkani sii dulleynayaa dowladda curdinka ah ee aan wali yeelan awood ay dalka gees ka gees ku maamusho marka laga warramo dhan kasta.Dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo dalka ka difaaca bahallo galeenka ku dhex sugan iyo waraabayaasha soo haweysta intaba waxay ka careysiinayaan shisheeyaha iyo kuwa uurka kala jira.Balse waqti dheer ayey u baahantahay in lagu gaaro heerkaas iyo in u dhawba.

Lagama maarmo ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ilaa inta ay dowladdu si buuxda ula wareegeyso tuulo, degmo iyo gobol kasta oo dhulkeenna kamid ah iyo inta laga tababarayo lagana tayeynayo ciidamada qaranka.Hase ahaatee haddii la xaddido waqtiga ay dalka joogayaan ciidamada AMISOM waxa dhalaneysa xasillooni-darro hor leh.In ay baxaan uun rabshadu ku billaaban meyso ee iyagoo jooga haddii lagu wargeliyo xilliga ay isaga huleelayaan ciidda hooyo waxa laga yaabaa in ay gacan saar la yeeshaan dhaqdhaqaaqa Alshabaab, ayna ka iibiyaan hub iyo shidaal intaba. Bilihii June iyo agoosto, sanadkii 2016 ayeyna aheyd markii askar badan oo AMISOM ka tirsan lagu helay dambi ah in ay iibsadeen agab ciidan iyo shidaal.

Bishii April, sanadkii 2014 waxa la baahiyey wabixinno sheegayey in ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM kuna sugan Soomaaliya ay tababar siiyeen rag ka tirsan ururka Alshabaab. Jackson Byabagambi oo ahaa dacwad ooge, wuxu ka sheegay maxkamad ku taalla magaalada Kampala ee dalka Uganda in saraakiil saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM ay tababar ciidan siiyeen dagaalyahanno u diiwaan gashnaa Al-Shabaab.Labo sarkaal oo lagu kala magacaabo Maj. Frank Kawero iyo Xasan Wantimba ayaa ahaa raggii loo maxkamadeeyey arintaas. Laakiin dacwad ooguhu wuxu caddeeyey,  taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee xilligaas, Daahir Aadan Indha-Qarshein uu diiday dagaalyahanada katirsan Al-Sbaab ee tababarka la siinayey.

Hubeynta iyo tababarista Alshabaab laguma eedeyn oo kaliya ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka laakiin waxa jira dowlado dhowr ah oo ku lug leh cuuryaaminta Soomaaliya. Nin abaal gala badan, dad gudaase yar’e guddiga caalamiga ah ee ilaalinta hubka u qaabbilsan qaramada midoobe waxay dabayaaqadii bishii Maarso ee sanadkii 2016 ay soo saareen warbixin lagu cambaareynayey dowladda Koonfur Afrika.Waxa lagu dhaliilay in ay hub badan ka iibsatay Xarakada Al-shabaab.Iyagoo guddigu xaqiijiyey hubkaas ay dagaallamayaasha Shabaabku heleen sanadihii 2011 iyo 2013-kii.Balse laguma caddeyn warbixinta tirada hubka iyo noocyada uu ka koobnaa.

Dalalka deriska ah laftooda marka laga reebo Jabuuti waxay door muuqda iyo mid daahsoonba ka cayaaraan xasillooni darrada ka jirta dhulka hooyo. Iyagoo damacsan sida laga wada dheregsanyahay in ay mar uun kala jarjaraan Soomaaliya, kana dhigaan labo qeybood, qeyb raacsan Kenya iyo qeyb ay saami u qaataan Itoobiya. Shirqoolkaas oo ay u fududeyn karaan maamul goboleedyada la dhisay.Waxa adag in la qoolo dabin looga badbaadayo dibirta ay iyaguba la raadinayaan Soomaali weyn.Xitaa haddii madaxda ugu sarreysa dowladda ay dalkan daacad u noqdaan ayna waayaan cid u basaasta halka ay wax marayaan ama loo qalab-qaadanayo, waxay helayaan calooshood u shaqeystayaal, iimaanlaawayaal lagu sirmi doono in jago noocey doonto ha ahaatee loo dhiibo.Kaliya in shisheeyaha laga digtoonaadaahina macso sameyn meyso ee waa in iyana laga fiirsado magacaabista kuwa inala wadaaga diirka iyo magaca.

Kolka ay cadawgu ku hungoobaan adeegsiga madaxda maamul goboleedyada, arrintaana xil leyska saaro oo la iska giijiyo, waxay su’aasheydu tahay waa ayocidda ay adeegsan karaan? Feejignaan dheeri ah haddaan loo yeelan xalka beelaha wada dega gobollada dalka gaar ahaan xuduudaha aynu la wadaagno Keenya iyo Itoobiya, waxay taasi u noqon kartaa fursadiyagoo sii hurin kara isku dhaca beelaha,oo hub iyo dhaqaale ku kabaya hadba beeshii gacan-saar la yeelata.

Si meesha looga saaro lug-gooyada la maleegayo ee lala maagganyahaydalkan la daalaa-dhacaya hagardaamada shisheeye, waxanku talinayaa in laga digtoonaado siyaasadda jaceylka, naceybka iyo danaha gaarka ah ku dhisan iyo qallafsanaanta ama ad-adeyga, arrimahaas oo dib noogu celinaya tubtii halaagga, burburka iyo dib u dhaca.Si quman waa in looga baaraandego wadahadalka iyo furfurnaanta lala hortagayo cid walba ee laga dhex arko muraayadda Soomaaliya ama u caga-dhabooneysa in ay ka muuqato.

4: Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Musuqmaasuqa hareeyay wasaaradihii arrimaha dibadda ee dalka soo maray iyo habacsanaantooda siyaasadeed waxay noqdeen kuwo rajo tiray kaalintii ay Soomaaliya kaga soo muuqan laheyd dunida inteeda kale.In la xoojiyo lana dardar galiyo xiriirka caalamiga ah waxay dib u soo celineysaa sharafkii ay Soomaaliya ku laheyd qaaradda Afrika iyo adduunyada kale. Waqti dheer ayeyna qaadaneysaa in la rumeeyo rajadaas ayada ah. Walow tan aan ka hadlayo aysan u muuqan falanqeeyayaasha siyaasadda caalamka qaarkood gaar ahaan tan dalka.

Aragtideydu wey ka duwantahay dadka aaminsan in uu madaxweynuhu ku fashilmayo siyaasadda arrimaha dibadda.Waxay ku doodayaan in khudbaddii uu baarlamanka ka hor-jeediyeymarkuu musharraxa madaxweyne ahaa ay tusaale u tahay fashilkiisa, waayo wuxu ku adkeystay bey leeyihiin in uu yareynayo safarrada tirada badan ee looga bartay madaxda dowladda.Waxana macquul ah in uu baajiyo kulamo muhiim ah oo uu la yeelan doono madaxda caalamka.Laakiin aniga aragtideydu waxay ku qotontaa isla hadalkaas uu jeediyey iyo arrimo kale.Madaxweynuhu muu caddeyn kulan-madaxeed ama shir-madaxeed in uu baajinayo ama xaddidayo aaditaankooda.hase ahaatee waxan ka dhadhansaday khudbaddiisa in uu kala jeedo socdaalladii looga bartay madaxdii isaga ka horreysay kuwaas oo aanay dani ugu jirin shacabka Soomaaliyeed balse ku saleysnaa dano ayaga iyo dad shisheeye u gaar ah.

Weysa jirtaa in dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ay labo waji kula dhaqmaan siyaasiyiinta ama masuuliyiinta metelaya dalka.Mar kastana waxa meesha ku jirta arrinta ah in ay dano gaar ah leeyihiin haba ugu badnaadaan la soo bixidda macdanta iyo shidaalka lagu ogyahay ciiddan hodanka ah. Heshiisyada lala galayo dowladahaasi waxay u baahanyihiin in dhug loo lahaado waayo waxa ka iman karaahi wey wajiyo badanyihiin.

Gunaanad

Fekerka iyo aragtida lagama wada sinna.Uurka iyo maanka dadka waxa ka gubaya ama ku jiraahi isku si ma wada aha.Inta aan ka soo warramay iyo in kaloo badan oo maskaxdeyda ka guuxeysa balse aanan u haynin xogo dheeri ah oo aan ku faahfaahiyo waa sababaha igu kallifay inan qoraalkan la wadaago dadkeyga iyo inta ku hadasha ama garaneysa Af-Soomaaliga.Laakiin siyaasaddu  waa haadaan iyo buuro’e Farmaajoow Maxaad Fali?

W/Q: Ibraahiim Cismaan Afrax (Nolosha)

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response