Qodobo Muhiim ah oo ay ka hadleen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Micheal...

Qodobo Muhiim ah oo ay ka hadleen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Micheal Keating

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Danjire Keating ayaa ugu horeyn ugu tagay xarunta Madaxtooyada Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku aadan caqabadaha hor-taagan Ra’iisul Wasaaraha, sida wax ka qabashada xaalada abaareed iyo magacaabida Golaha Wasiirada.[

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda uu soo dhiso doono ay xoogga saari doonto arrimo badan, gaar ahaan arrinta gurmadka Abaaraha oo ah caqabada koowaad.

Sidoo kale Danjire Keating ayaa booqday Xarunta cusub ee Aqalka sare, halkaas oo uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Axmed Bukhaari iyo Senatarada.

Guddoonka Aqalka sare ayaa kala hadlay Danjire Keating howlaha horyaala Aqalka sare iyo waajibaadka, iyadoo Danjiruhu soo dhoweeyay habsami u socodka howlaha ka socda Xarunta Aqalka sare.

Maalintii shalay ayuu sidoo kale Danjire Keating la kulmay Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku booqday xafiiskiisa, waxaa uu kala hadlay arrimaha abaaraha, ammaanka, xoojinta wada shaqeynta dowlad goboleedyada.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY