Qasaaraha Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qasaaraha Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

0
SHARE

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qaraxii ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay xilliga uu Qaraxa dhacayay in goobta uu marayay Gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Qaraxan oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Inta la xaqiijiyay 6 Qof ayaa ku dhimatay 7 kalena way ku dhaawacmeen, sida uu Risaala u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo ku sugan goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa inoo sheegay in xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku sugnaayen xilliga uu Qaraxa dhacayay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Cirfiid, Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Gen. Buud, Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Cali Baashi iyo saraakiil kale.

LEAVE A REPLY