Qarax Lagu Dilay Askar oo Ka Dhacay Baladweyne, Hiiraan

Qarax Lagu Dilay Askar oo Ka Dhacay Baladweyne, Hiiraan

0
SHARE

BALADWEYNE (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee Bartamaha soomaaliya ayaa sheegaya in qarax miino oo qasaaro geystay uu ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolkaasi.

Dad joobjoogayaal ah ayaa u sheegay Garsoor Online in qaraxa lagu aasay goob ay Isbaaro u taalay Maleeshiyaan ka tirsan ciidanka dowladda oo Isbaaro u taalay duleedka Galbeed ee Magaalada Baladweyne.

Inta la xaqiijiyay 2 kamid ah maleeshiyaadkii isbaaradu u tiilay ayaa dhintay kuwa kalana waa ay dhaawacmeen.

Taliye kuxigeenka Booliska Baladweyne ayaa xaqiijiyay in uu jiro qaraxaasi, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in qaraxa uu ahaa mid ay iyagu qarxiyeen oo aan wax qasaaro ah geysan.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaasi, hase ahaatee Al shabaab ayaa loo bartay fulinta qaraxyada nuucaani oo kale ah.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY