Qarax khasaaro geystay oo lagu weeraray Hooyga Nabadoon caan ah

Qarax khasaaro geystay oo lagu weeraray Hooyga Nabadoon caan ah

0
SHARE

Jowhar (Garsoor Online)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geysatay oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Qaraxan oo ahaa bam gacmeed ayaa lagu soo waramayaa in Kooxo hubeysan ay ku weerareen Hooyga Nabadoon lagu magacaabo Sheekh Muuse oo aad looga yaqaano Magaalada Jowhar.

Goobjooge ayaa waxuu sheegay in Qaraxa uu ku dhintay mid ka mid ilaalada Nadoonka, labo kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaasi lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo Nabadoonka balse uu ka badbaaday.

Dableydii ka dambeeyay weerarkaasi ayaa durba isaga baxsaday goobta.

Ciidamada amaanka ee Maamulka Magaalada Jowhar ayaa bilaabay howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amaanka islamarkaana lagu baadi goobayo dableydaasi.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

LEAVE A REPLY