Qarax Ka Dhacay Xerada Ciidanka lagu Tabaro ee Warshada Nacnaca

by Farah C/laahi | Monday, Mar 13, 2017 | 69 views

Muqdisho (Garsoor Online) – Qaraxii ka dhacay Agagaarka Warshadii Hore ee Nacnaca waxaa loo adeegsaday Gaari Caasi ah, waxaana ku dhaawacmay 3 qof ,iyadoo uu ku dhintay Wadihii Gaariga.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay Dhaawaca Saddexda qof.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in sidoo kale Qaraxaasi uu ku dhintay ninkii Waday Gaariga.

Warar Madax banaan oo ay Risaala heshay ayaa sheegaya in khasaaraha in uu intaasi ka badan yahay.

Like it? Share it!

Leave A Response