Qarax Ka Dhacay Magalada Kismaayo ee gobolka J/hoose

Qarax Ka Dhacay Magalada Kismaayo ee gobolka J/hoose

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in meel qiyaas ahaan u jirta Kismaayo 13km uu ka dhacay qarax.

Dad goobjoogayal ah ayaa u sheegay Garsoor Online in qaraxa uu ka dhacay maqaaxi ku taala deegaanka Goobweyn oo duleedka ka ah Magalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxana ku dhintay 1 qof, halka tiro kalana ay ku dhaawcmeen qaraxaasi.

Maqaaxida qaraxu ka dhacay ayaa waxaa inta badan fariista ciidamado, waxana la aaminsan yahay bartilmaameedku uu ahaa ciidamada Jubbaland.

Ma jirto cid sheegtay mas’uuliyada qaraxa hase ahaatee, waxaa la soo sheegayaa in ciidamada Jubbaland ay goobta gaareen baaritaanana ay ka sameeyeen.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY