Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya

0
SHARE

Muqdisho (Garsoor Online)–Ugu yaraan 5 Ruux ayaa ku dhintay, 10 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay bar koontarool Ciidamada amaanka ay ku afaafka hore ee Xaruntii hore ee Tiyaatarka Qaranka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa waxuu sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada amaanka uu ka shakiyay Gaariga islamarkaana uu rasaas ku furay, halkaasna uu isku qarxiyay Gaariga darawalkii waday.

Waxuu sidoo kale xusay in Askarigaasi uu ku dhintay Qaraxa.

Dhinaca kale, Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 10 Ruux oo isugu jiray Askar iyo Shacab.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY