Qarax Askar iyo Dumar Ku Dhinteen oo Goordhaw Ka Dhacay gobolka Sh/hoose

by Farah C/laahi | Sunday, Jan 15, 2017 | 145 views

LEEGO (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa ku waramaya in qarax qasaaro geystay uu maanta (Axad) ka dhacay deegaanka Leego ee hoostagta degmada Walaweyn.

Inta la xaqiijiyay 1 askari ayaa ku dhintay 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen oo ay ku jirto haweyn, kaddib qarx kadhacay nawaaxiga saldhiga booliska ee Leego, sida dad goobjoogayaal ah ay u xaqiijiyeen Garsoor Online.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Leego, oo qiyaastii 120km u jirta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay qaraxa ka dhacay leeogo maanta.

Galinkii danbe ee shalay ayaa sidoo kale qarax miino waxa uu ka dhacay meel u dhaw Saldhiga deegaankaasi, waxana la sheegay in qaraxaas uu ku geeriyooday Taliyihii Amaanka deegaanka Leego.

Mas’uuliyada Qaraxyadaasi labada ah ee saacadihii la soo dhaafay Gilgilay deegaanka Leego waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Xarakada Al Shabaab oo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa isku dayay in xoojiyaan weerarada ka dhanka ah dowladda xilli dalka Soomaaliya ay ku soo wajahan tahay doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Garsoor Online — LEEGO

Like it? Share it!

Leave A Response