Puntland oo si kulul uga hadashay Markab la afduubtay

Puntland oo si kulul uga hadashay Markab la afduubtay

0
SHARE

Burcad badeed ayaa Markab xamuul ah oo Hindiya laga leeyahay ka afduubtay xeebta Soomaaliya sida uu xaqiijiyay maamulka Puntland.

Wasiir ku xigeenka arrimaha Dekadaha ee Maamul Goboleedka Puntland Maxamuud Gabax ayaa BBC-da u xaqiijiyay in afduubkaasi uu dhacay.

Ma cadda meesha uu markabku ka yimid, meesha uu u socday iyo meesha hadda lala aaday toona.

Warbaahinta Hindiya aya waxa ay sheegtay in Markabkaas ay saarnaayeen 11 ruux lana qafaashay Sabtidii.

Bishii hore ayay burcad badeedu ku guulaysteen afduubkii u horeeyay ee ay u gaysteen Markab ganacsi oo wayn tan iyo sanadkii 2012kii.

LEAVE A REPLY