Puntland oo Ka Hor-timid in Xasan Sheekh uu caawiyo

Puntland oo Ka Hor-timid in Xasan Sheekh uu caawiyo

0
SHARE

GALKACYO (Garsoor Online) — Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumi Wasiirka Wasaarada Haweenka maamulka Puntland ayaa ka hortimid hadal ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in taageero caafimaad ay u fidineyso gabadhii dhawaan lagu Kufsaday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, isla markaana waxa uu Madaxweyna Xasan Sheekh sheegay in Muqdisho loo soo qaado.

Wasiirka Haweenka Puntland ayaa ku adkeysatay in Puntland ay ku filan tahay u gar-gaarida gabadhaa dhibaateysay, isla markaana aan loo baahneyn taageerada Madaxweynaha Soomaaliya.

Aniso Cabdulqaadir ayaa hadalkan ka jeedisay shir saxaafadeed ay ku qabtay Magaalada Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Garsoor Online — GALKACYO

LEAVE A REPLY