Olole Xoogan oo Caawa Ka Socda Magaalada Muqdisho

by Farah C/laahi | Monday, Feb 6, 2017 | 28 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Caawa Magaalada Muqdisho, waxaa ka soconaya Olole xoogan oo ay sameynayaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Somalia.

Hoteelada waa weyn ee Muqdisho iyo xarumaha ay ka socdaan Ololaha musharaxiinta ay sida gaarka u lee yihiin, ayaa la soo sheegyaa in ay socdaan hardagan adag.

Hadaan ku hormarno, Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaya in dib u soo laabto ayaa ah musharaxa ugu Ololaha badan, waxana uu heystaa xildhibaanada ugu badan ee musharax la safta.

Guriga uu ka socdo Ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhaw Madaxtooyada ayaa waxaa ku sii qul-qulaya xildhibaano badan oo ka tirsan labada Gole ee Barlmaanka.

Ololaha Madaxweyne Xasan ayaa aad u adag waxana uu lee yahay sadax gudi oo kala ah, Gudigga Ololaha, Gudigga Dabagalka iyo Gudiga Maaliyada.

Gudiyadaasi ayaa la sheegay in ay Madax u yihiin xildhibaano barlamaanka hada jira kamid ah, kuwaasi oo soo dumaya xildhibaanada kale, balanqaad iyo hor marisna u sameynaya.

Ilaa iyo hada inta laga war hayo 150 xildhibaan ayaa u diiwaangashan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isugu jira labada gole.

Musharaxa Labaad waa Shariif Sheekh Axmed, waxaa la sheegayaa in uu hada gacanta ku hayo tiro xildhibaano ah oo aad u badan, hase ahaatee uu heysto Niyad jab xaga dowladaha shisheeye ah.

Shariif Sheekh Axmed ayaa hada heysta qiyaastii 50 xildhibaan oo saaxiibadii u badan, waxana la sheegayaa in Olalihiisa uu aad u hooseeyo marka loo fiiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharax Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa isna la sheegayaa in uu hoos uga dhacay intii laga filayay, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in uu baadi goobayo musharax kale uu la xulufoobo.

Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa isna la sheegayaa in Ololihiisa uu xoogan yahay, waxana Hoteel Jazeera uu ku qaabilay tiro xildhibaana ah oo uu codadkooda doonayo.

Farmaajo ayaa heysta xildhibaano gaaraya 40 oo u badan beesha uu ka soo jeedo ee Mareexaan.

Musharaxiinta kale ayaa iyaguna wada Ololahooda, waxana la soo sheegayaa in ay jiran musharaxiin midoobi raba.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa saacadaha soo socda la filayaa in ka tanaasulaan u tartanka xilkaasi.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response