NISA oo Ka Hortagtay Qaraxa La Dhigay Suuq Mashquul Badan oo Ku Yaal Muqdisho

by Farah C/laahi | Monday, Mar 6, 2017 | 11 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in gelinkii dambe ee maanta ay ku guuleysteen ka hortaga Qarax la dhigay gudaha suuqa Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo la dhigay Afar Irdoodka suuqa Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho ayaa Saraakiisha ammaanka ee NISA waxa ay sheegeen in si nabad gelyo ah ay ku qaadeen, isaga oo aan Qarxin.

Ciidanka NISA ayaa xiray Afarta wado ee soo gasha goobta la dhigay Qaraxa, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen Howlgallo lagu baadi goobayay raggii ka dambeeyay falkan iyo xaqiijinta amniga.

Shacabka ku ganacsada Suuqa Xamar-weyne ayaa bilaabay in ay xiraan goobohooda Ganacsi, waxaana soo wajahday cabsi xoogan, ilaa Ciidanka NISA ay ka qaadaan Qaraxaasi, waxaana markii dambe xaaladu ay ku soo laabatay si caadi ah.

Saraakiisha Ciidanka ammaanka ayaa shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka, si looga hortago Qaraxyada iyo dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response