Nin Ganacsade ahaa oo Xalay Lagu Dilay Baladweyne

Nin Ganacsade ahaa oo Xalay Lagu Dilay Baladweyne

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) —  Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Baladweyne ku dilay Nin ganacsade ahaa oo si weyn looga yaqaane Magaaladaas.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Garsoor Online in dilka ganacsadaha uu ka dhacay Xaafada Kooshin ee Magaalada Baladweyne.

Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cilmi Dheere, waxana uu kamid ah dadka sida weyn looga yaqaanay Magaalada.

Dilka kaddib ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamada Amaanka, waxana ay halkaa ka sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka danbeeyay dilka ganacsadaha.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilka xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

 

LEAVE A REPLY