M/weynihii hore ee Galmudug oo tacsi u diray ehelada Dadkoodii ku waayay...

M/weynihii hore ee Galmudug oo tacsi u diray ehelada Dadkoodii ku waayay Qaraxii Muqdisho

0
SHARE

Muqdisho (Garsoor Online)—Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta dadkoodii ku waayay Qaraxii xooganaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxuu ka dhacay banaanka maqaaxi ku taalla meel u dhow Wasaarada Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Alle uga baryay in jannada uu ka wareebiyo Dadkii ku dhintay Qaraxaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Mr. C/kariin waxuu caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa kale ku waxyeeloobay Qaraxaasi gaari.

Sikastaba, Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu xusuustaa in wax badan ka soo qabtay Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maamulka Galmudug intuu Madaxweynaha ka ahaa.

LEAVE A REPLY