Maxaa Sababay Tanaasulka Musharax C/raxman Faroole?

by Farah C/laahi | Tuesday, Feb 7, 2017 | 52 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Musharax Madaxweyne Cabdiraxman Faroole ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka Madaxweynanimda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa tilmaamay in sababtii ku qasabtay in uu tartanka isku soo taagay markii uu arkay cadaalad darada ay sameeyeen Madasha Hogaanka Qaran.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sheegay in mowqifkiisii aysan waxba iska badalin, laakiin loo baahan yahay in lala yimaado xikmada looga adkaan karo Damjadiid iyo Xasan Sheekh.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in fursadu ay tahay in awooda xildhibaanada isbadal doonka ah aan lakala jabin, isla markaana hal musharax uu tartanka galo si looga adkaado Xasan Sheekh.

Faroole ayaa sheegay in taasi ay isaga ku riixday in uu taanaasulo, isla markaana uu ugu baaqayo musharaxiinta kale ee faraha badan in ay tanaasulaan si aan loo dhantaalin awooda xildhibaanada isbadal doonka ah.

DHAGEYSO Hadlakii uu Maanta Faroole ka jeediyay Muqdisho:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response