Muxuu Farmaajo Qabanayaa 100 maalin ee ugu horeeya?

by Farah C/laahi | Friday, Feb 10, 2017 | 27 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo la hadlay VOA ayaa waxa uu ka hadlay arrimo fara badan oo la xiriira xaalada dalka.

Ugu horeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cadde Muuse, kaas oo ku geeryooday Dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Madaxweynaha mar la weyiiyay Boqolkiisa maalmood ee ugu horeysa waxa uu qaban doono ayaa waxa uu sheegay in Saddex arrimood uu xoogga saari doono, kuwaas oo kala ah.

1- In Ra’iisul Wasaare uu soo magacaabo, si uu u soo dhiso xukuumadda cusub.

2.Sidoo kale waxa uu sheegay colaadaha ka jira dalka sidii wax looga qaban lahaa, loona dhameyn lahaa.

  1. Arrinta Saddexaad ee ugu dambeysa ee uu Boqolkiisa maalmood ee ugu horeysa uu qaban doono Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu ku sheegay in Abaaraha dalka ka jira loo midoobi doono, si dadka dhibaateysan loogu gar gaaro.

Arbacadii ina dhaaftay oo Taariikhda ay ku beegneyd 08-dii Bishan ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo lagu doortay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud oo kula tartami lahaa wareegga Saddexaad ee Doorashada.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response