Musharax Prof: Saciid oo Maanta Isdiiwaan Galiyay

by Farah C/laahi | Saturday, Jan 28, 2017 | 12 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Saciim) Gudoomiyaha Xisbiga Dadka ahna Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta dhameystiray sharuudaha laga doonayo musharaxiinta isagoo kamid noqday Musharaxiinta Isdiiwaangaliyay.

Musharax Saciid Ciise Maxamuud (Saciim) ayaa sheegay in si guuleh ay maanta ugu suura gashay dhameystirka isdiiwaangalintiisa, dhamaana uu buuxiyay sharuudihii laga doonayay ka musharax ahaan, waxana uu tilmaamay in uu yahay Musharax tartanka sanadkan ka qeybgalaya.

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka ahna Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay shaqo fiican ay wadaan gudigga Doorashada, hase ahaatee ay ka muu qanayaan habacsanaan xaga shaqada ah.

Laakiin, Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Saciid) ayaa ku sifeeyay arrintaasi in ay tahay shaqada badan ee hortaag gudigga iyo waqtiga oo ciriiri ku ah, balse ay waayo arragnimo badan ka heli doonaan howsha ay wadaan.

Musharax Saciid Ciise Maxamuud ayaa sheegay in barnaamijkiisa siyaasadeed uu ku saleysan yahay fikir, isla markaana uu ka soo horjeedo in dhaqaalo iyo hantida uu lee yahay musharax lagu qiimeeyo.

Prof: Saciid Ciise ayaa daliil u soo qaatay Rasuulkeena Suubanaa NNK oo uu sheegay in uusan umaddan ula imaan lacag iyo hanta balse uu ula yimid fariin uu alle u soo dhiibay, sidasi darteedna waxa uu qof ahaan dadka iyo dalka uu u wado ay tahay fikir iyo aragti in lagu doorto dalkana uu ku hogaamiyo.

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka ahna Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Saciid) ayaa markii labaad ka qeybgalaya doorashada Madaxweynanimada Soomaaliya, isagoo sidoo kale ka qeybgalay doorshadii dalka ka dhacday 2012kii.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response