Musharax Farmaajo oo caawa Wacdaro Sameynaya

by Farah C/laahi | Tuesday, Feb 7, 2017 | 28 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa kulan casho ah la leh xildhibaanada labada aqal.

Wararka ayaa sheegaya in musharax Farmaajo ay caawa xafladiisa yimaadeen in kabadan 100 xildhibaan.

Xaflada oo hada ka socota Hoteelka Jazeera ee ku dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa in sidoo kale lagu shaacin doono midow cusub oo u dhexeeya Xisbiga Tayo iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Somalia.

Xildhibaanada ku sugan xaflada ayaa isugu jira kuwa mudo ku soo jiray siyaasada iyo da’yarta ku soo biiray saaxada siyaasadeed ee dalka.

Wixii ku soo Kordha Kala Soco Halkan:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response