Mid ka mid ah Kiisaskii ugu cuslaa ee Soo mara nabad-sugidda Soomaaliya

by Farah C/laahi | Thursday, Apr 13, 2017 | 140 views

Dhacdadaan waxaa iiga sheekeeyey nin ka mid ahaa saraakiishii dowladdii dhexe ee madaxweyne Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Nin dhalashadiisa aan hadda la hubin laakiin loo maleynayo inuu ka soo jeedo dalka Hindiya ayaa dukaan ku la’haa suuqa Fiya Leybeeriya ee degmada Waaberi, dukaanku wuxuu ahaa mid aad u camiran dadkuna aad uga dukaameystaan waxaana dukaanku furan yahay illaa xilli dambe oo habeenimo isagoo milkiiluhu dukaanka dhex seexda.

Xilli habeen ah ayaa dukaankii tuugo u soo dhacday waxaana gudaha loo galay dukaankii oo ninkii Hindiga ahaa dhex jiifo waa la dilay waxaana laga qaatay lacag dollar ah oo cadadkeeda lagu sheegay 10kun iyo dahab iyadoo dukaankii dusha looga xiray ninkii oo meyd ah.

maalmo kadib ayaa dadkii deriska la ahaa dukaanka dareemeen Ur iyo hawo aan wanaagsaneyn oo dhanka dukaanka ka imaaneysay islamarkiiba ciidamo ayaa loo yeeray waxaana la jebiyey dukaankii waxaana lagu arkay ninkii oo meyd ah oo aad u qurmay.

Madaxweyne Maxamed Siyaad wuxuu amar ku bixiyey in la soo gacan geliyo dadkii dhibaatada geystay isagoo ciidamada nabad-sugidda u xil saaray soo qabashada dambiileyaasha falkaan geystay.

Ciidamada nabad-sugidda 4 bilood ayey baaritaan sameynayeen waxayna ku guuldareysteen inay xataa soo helaan tuhun lala xiriirin karo dhacdada.

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa isugu yeeray dhammaan saraakiishii ugu sareysay ciidamada nabad-sugidda wuxuu u sheegay in dalku ceebeysan yahay ceebtaasna looga badbaadi karo oo keliya in la soo heli dadkii dilka geystay, madaxweynahu wuxuu sheegay inaan la aqbali karin in nin dambiile ah la soo qaban waayo isagoo markiiba isbedel ku sameeyey saraakiishii hawsha loo xil saaray amarna mar kale ku bixiyey in kiiskaan la soo afjaro waxaana dib u bilawday baaritaan cusub.

La Soco Qeyb Kale

Like it? Share it!

Leave A Response