Meydadka Dad La Dilay oo Galabta Lagu Arkay Afgooye

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 25, 2017 | 62 views

AFGOOYE (Garsoor Online) — Meydadka sadax ruux oo siyaabo kala duwan loo dilay ayaa galabta lagu arkay deegaano hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dad deegaanka ah ayaa u sheegay Garsoor Online in meydadka labo qof oo la dilay galabta lagu arkay meel qiyaastii 6km koofur kaga beegan degmada Afgooye.

Meydadka ayaa lagu arkay meel u dhaw wadada aada Marka ee ka baxda duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale meydka qof kale oo la dilay ayaa isna lagu arkay deegaanka Cadowdibile oo isna koofur ka xiga Afgooye.

Deegaanada meydadka lagu arkay ayaa la sheegay in aysan jirin cid gacanta ku heysa, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa dilalkan ku tuhmaya in ay ka danbeeyaan Xarakada AL Shabaab.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response