MD Farmaajo oo La Kulmay Wafuud Caalami ah – Sawiro

MD Farmaajo oo La Kulmay Wafuud Caalami ah – Sawiro

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta hoygiisa kula kulmay dhamaan danjirayaasha caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

Mr. Farmaajo ayaa kulan wadajir ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya iyo danjirayaal kale oo ka socday dowladdaha caalamka.

Arrimaha ugu muhiimsan ee kulankaasi lagu soo qaaday ayaa waxaa kamid ahaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay caalamku la leeyihiin Soomaaliya iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Beesha caalamka ayaa ugu hambalyeeyay Guusha Mr. Farmaajo, waxana ay u sheegeen in ay la garabtaagan yihiin taageero kasta.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhamaan danjirayaashii ku soo booqday hoygiisa.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY