Maxkamadda Jubbaland oo Xukun Ku Riday 7 Askari

Maxkamadda Jubbaland oo Xukun Ku Riday 7 Askari

0
SHARE

KISMAAYO (Garsoor Online) — 7 Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa maanta Maxkamada ciidanka maamulkaasi ay xukuno  ku riday.

Askarta la xukumay aya la sheegay in 9kii bishii 11 ee sanadkii hore ay dhaawaceen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland.

Maxkamada ayaa 7 askari ku xukunta min 3 sano oo xabsi ciidan ah sida uu saxaafada u sheegay Bashiir Maxamuud Xareed Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda.

Labada askari ee la dhaawacay ayaa lagu kala magacaabaa Cali Shiine Gabow iyo Maxamed Sahal Mursal waxana ay ka mid yihiin ciidanka booliska Jubbaland.

Magacyada Dadkii La Xukumay:

Cabdi Xasan Gaabow (25 Snao jir)
Cilmi Farey Maxamed (22 Sano jir)
Ilyaas Maxamed Cariif (21 Sano jir)
Cali Muuse Doole (22 Sano jir)
Cabdi Yuusuf Shiine (20 Sano jir)
Axmed C/laahi Xasan (22 Sano jir)
Daahir Yuusuf Xasan (19 Sano Jir)

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY