Maxkamada Ciidanka Puntland oo Dil Maanta ku Filsay Dhalin Yaro

by Farah C/laahi | Saturday, Apr 8, 2017 | 17 views

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa Goordhaweyd Xukun Dil ah Ku Fulisay Dhalinyaro 5 ah oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabsida ee Maamulka Puntland Col. Cabdiftaax Xaaji Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaradaasi Saaka lagu fuliyay xukun dil ah.

Dhawaan ayay aheyd Markii Maxkamadda ay ku xukuntay dhalinyaradaasi dil toogasho ah ka dib markii la sheegay in ay dileen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Qaar ka mid ah Waalidiinta dhalay dhalinyarada la toogtay ayaa horay u diiday xukunkaasi,waxaana ay sheegeen in Carruutooda aysan ka tirsaneyn Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response