Maxkamada Ciidanka oo Xukuno Ku Riday Askar Ka Tirsan Ciidanka Dowladda

by Farah C/laahi | Sunday, Mar 19, 2017 | 21 views

BAYDHABO (Garsoor Online) — Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Baay ayaa maanta xukuno ku riday Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida uu soo sheegayo Wariyaha warbaahinta Risaala ee Magalada Baydhabo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta ka howlgasha Gobolada Baay iyo Bakool ayaa xukuno sanado ah waxa ay ku riday 5 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xogga Dalka.

Askartan oo ka tirsan Guutada 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka ayaa la sheegay in ay ku kaceen fal ku aadan in ay iibsadeen Hubkii Qaranka, islamarkaan qarashkii ay kala baxeen si gaar ah u isticmaaleen.

Qaar ka tirsan Askarta xukunada lagu riday ayaa muujiyay Qiraal ku aadan in ay ku kaceen falkan, iyaga oo dalbaday in xukunada laga qafiifiyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa ku dhawaaqay xukunada lagu riday Askartan, wuxuuna sheegay xukunada lagu riday in uu uga furan yahay in ay soo celiyaan Hubkii ay iibsadeen, lagana qafiifinayo xukunada.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response