Korontada Villa Somalia oo Caawa Maqan Sabab?

Korontada Villa Somalia oo Caawa Maqan Sabab?

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Amaanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyey ka dib markii maanta tiro hoobiyaal lagu wareerayey Villa Soomaaliya, xili habeenka 1aad uu ku hoyannayo Madaxweyne Farmaajo.

Ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka gala Villa Soomaaliya iyagoo si weyn u sugaya amaanaka Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada  ayaa dadka gawaarida wata weydiinaya Kaar aqoonsiga  iyagoo celinaya dad kaararkaasi aan siden.

Ilo Wareedyo ayaa xaqiijinaya in Ciidamada sidoo kale waxaa ay ku sugan yihiin wadooyin ka baxsan Madaxtooyada.

Duhurnimadii maanta ayaa aheyd markii tiro madaafiic ah oo Mas”uuliyadooda Alshabab ay sheegteen lagu wareeraya Villa Soomaaliya iyadoo madaafiicdaasi ay ku dhinteen dad shacab ah.

Alshabab ayaa hoobiyaal ku soo dhaweeyey Farmaajo iyadoo aan la ogeyn halka hoobiyayaashaasi lagu tuuray.

Dhinaca kale Warar aan wali aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Caawa mudo saacado ah korontadii ay ka maqneyd Villa Soomaaliya waxaana soo baxaya warar leysla dhexmara ayaa tibaaxaya in saacado villa Soomaaliya ay korontada ay maqneyd saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa sheegay in baaritaan ay wadaan sababaha keentay in korontada laga jaro iyadoona ilaa hadda ay san jirin cid ka hadashay.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY