Yey dan ugu jirtaa in deg deg loo qabto Doorashada

Yey dan ugu jirtaa in deg deg loo qabto Doorashada

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Musharax Maxamed Cali Nuur Ameriko oo ka mid ha Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtanimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey Magacaabistii Gudiga Doorashooyinka Madaxtanimo ee Dalka kuwaasi oo qaban qaabinaya Doorashada Madaxtanimo ee Soomaaliya.

Cali Ameriko ayaa bogaadiyey ansixintii Barlamaanaka ee lacagaha Mushharaxiinta laga qaadayo in boqolkiiba konton loogu tabaruco abaaraha Soomaaliya taasi oo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah Musharxiinta Dalka isagoona ugu baaqay Gudiga Doorashada in si deg deg ah loogu dhawaqo xiliga la qabanayo Doorashada Madaxtanimo ee Soomaaliya.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysi Musharax Cali Ameriko

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY