Maxay tahay sababta uu Wasiirka Arimaha Gudaha u tagay Cadaado

by Farah C/laahi | Friday, Apr 7, 2017 | 14 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo xildhibaano ka tirsan Labada Gole Dowladda Fededraalka ayaa waxa ay gaareen Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada ee Cadaado ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Haween, Dhalinyaro iyo xubno kale.

Xildhibaanada ku wehlinaya safarka Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xildhibaan Dhegdheer.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ahna ku simaha Madaxweynaha Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Wasiir Juxa uu soo gaaro Cadaado, ayna soo dhaweynayaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay ujeedka uu Cadaado u tagay in ay tahay wadatashi, arrimaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Abaaraha.

Safarkan uu Wasiirka ku tagay Magaalada Cadaado ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku tago Cadaado, tan iyo markii loo magacaabay xilkan.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu wadaa in 10-ka Bishan lagu qabto Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmduug, taasi oo ilaa iyo hada ay u taagan yihiin Saddex Musharax.

Like it? Share it!

Leave A Response