Maxay kawada Hadleen Safiirka UK iyo Madaxweyne Gaas?

by Farah C/laahi | Friday, Apr 14, 2017 | 6 views

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn uga xog waramay Danjiraha wadanka Ingiriiska Ambassador Devid xaalada abaareed ee ka jirta Puntland waxaana uu ka dhawaajiyey in maanta abaartu ay marayso meel adag oo ay u dhinteen dhulyaala u yihiin dad badan oo ku dhaqan degaanada Puntland, halka kuwo kalena ay miciin bideen inay ku soo xeroodaan magaalooyinka iyo tuuloyinka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynah ayaa tibaaxay in Punland iyo shacabkeeda oo is garabsanaya ay markasta la garab taagan yihiin gurmad iyo taakulayn dadkooda baaruhu saameeyeen, waxaana uu sheegay inay tahay wax loobahan yahay in gacan ay ka helaan dadkaasi beesha caalamka gaar ahaan Ingiriiska si loo bad baadiyi dadkaasi u li’anaya macaluusha iyo wax la’aanta daran.

Dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu uga Mahadnaqay wadanka Ingiriiska taageerada horumarineed ee uu ka fuliyo Puntland, kuwaas oo tusaale u ah xidhiidh ka wanaagsan ee u dhexeeya Puntland iyo Dalka Ingriiska, waxaana uu madaxweynuhu cadeeyey in Puntland ay diyaar u tahay wanaajinta iyo adkaynta xidhiidhkaasi gaamurey ee labada dhinac.

Danjiraha wadanka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Devid Concar ayaa dhankiisa sheegay inay ka qayb qaaddan doonaan gurmadka lagu caawinayo dadka abaaruhu wax yeeleeyeen.

Mr Devid ayaa sidoo kale shaagay in Ingiriisku diyaar u tahay sii wanaajinta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Puntland iyo dalkiisa, isla markaana ay si dhow ula shaqayn doonaan Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa sheegay inay rajaynayaan in shirka dhowaan ka dhicidoona London ee khuseeya Soomaliya ay ka soo baxaan wax wanaagsan oo dan u ah horumarka Soomaliya iyo xidhiidhaka Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Like it? Share it!

Leave A Response