Maxay AMISOM ka tiri 10kii Qof ay Ku Dileen Duleedka Muqdisho?

Maxay AMISOM ka tiri 10kii Qof ay Ku Dileen Duleedka Muqdisho?

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ayaa ka hadlay dhacdadii xanuunka badneyd ee shalay ka geysteen degaanka Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho.

War lagu daabacay Twitter-ka AMISOM ayaa lagu sheegay in ay Baaritaan ay ku sameyn doonaan dhacdadaasi , islamarkaana ay tahay mid nasiib daro ku dhacday.

AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in uu ahaa shil uu geystay gaari ay leeyihiin waxii shalay ka dhacay degaanka Calamada.

Waxaa ay sheegeen in ay ka bixin doonaan Faahfaahin intaan ka dheer.

AMISOM ayaa shalay Gaari ay leeyihiin Waxaa uu degaanka Calamada ee ku jiiray Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah , waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 qof.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa korortay Tacadiyadda ciidanka AMISOM ay ka geysanayaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Xigasho: Radio Risaala

LEAVE A REPLY