Maxadan Ogeyn oo Caawa Ka Socda Magaalada Muqdisho

Maxadan Ogeyn oo Caawa Ka Socda Magaalada Muqdisho

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Diyaar garowga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa meel gabo gabo ah mareysa, iyadoo la diyaariyay halkii lagu qaban lahaa doorashada.

Gudigga Kormeelka ayaa maanta booqday Hoolka lagu qabanayo Doorashada oo ku yaal saldhiga ciidanka cirka Afisiyoone ee Magaalada Muqdisho.

Hoolka doorashada ayaa qaab qurux badan loo diyaariyay, waxana la fiyaa in Arbacada soo aadan ay halkaa ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Somalia.

Dhanka kale Waqooyinka Magaalada Muqdisho ayaa xiran, waxana wadooyinka Jaagka ah ee laamiyada soo galay lagu xiray dhagax iyo caro.

Ciidamada Amaanka ayaa foojignaan sare ku jira, waxana laga cabsi qabaa in Al Shabaab ay weeraro fuliyaan, madaama ay ku hanjabeen in doorashada ay carqaladeyn doonaan.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY