Maxaa maanta ka Dhacaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho

Maxaa maanta ka Dhacaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho

0
SHARE
?????????????????????????????????????????????????????????

MUQDISHO (Garsoor Online)— Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaaa maanta la filayaa in xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan kulan, sida uu Risaala u xaqiijiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/wali Sheekh Ibraahim (Muudey) ayaa shir Guddoominaya kulanka, maadaama Guddoomiye Jawaari hada uu yahay ku simaha Madaxweynaha, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu shalay u ambabaxay dalka Urdun, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shirka Jaamacadda Carabta.

Warar ay heshay Risaala ayaa sheegaya kulanka ay yeelanayaan xildhibaanada Baarlamaanka in la horgeyn doono Golaha Wasiirada cusub ee dhowan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa lagu wadaa in maanta Golihiisa Wasiirada cusub uu horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, si ay u ansixiyaan.

Baarlamaanka Federaalka ayaa goor sii horeysay waxaa lagu wargeliyay in maanta ay soo xaadiraan xarunta Golaha shacabka, sidoo kalena ay ilaaliyaan waqtiga lagu balamay in la yimaado.

Sidoo kale warar ay heshay Risaala ayaa sheegaya 125-kii xildhibaan ee mooshinka ka waday Golaha Wasiirada cusub, in hada inta badan tabashadooda la xaliyay, maadaama Madaxweynaha iyo Madaxda maamul Goboleedyada ay dadaal dheer ku bixiyeen sidii ay u qancin lahaayeen xildhibaanadan.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY