Maxaa Maanta Ka Dhacay Xarunta Villa Somalia

by Farah C/laahi | Wednesday, Feb 15, 2017 | 40 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Madaxweynaha xilka ka dagaya iyo Madaxweynaha cusub oo uu wehliyo Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markale ku kulmay Villa Somalia.

Inkstoo wax badan aan laga Ogeyn waxyaabihii ay kawada hadleen, hadana waxa ay aheyd kulan muujinayay in ay aheyd maalintii ugu danbeysay Xasan Sheekh Maxamuud Villa Somalia.

Xasan Sheekh iyo Farmaajo ayaa kawada hadalay Xil wareejinta, waxana si rasmi ah looga hadlay qadyadaha muhiimka ah ee uu lee yahay madaxweynihii hore.

Madaxweyne Xasan ayaa ka saxiixday Farmaajo in loo dhaafo dhamaan shirkadaha uu lee yahay ee uu heshiiska u saxiixay intii uu Madaxweynaha ahaa.

Waxa uu sidoo kale dalbaday in aan hadal laga keenin hantida xaasaskiisa, waxana heshiiskaasi goobjoog ka ahaa Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response