Maxaa ka socda Magaalada Garoowe?

Maxaa ka socda Magaalada Garoowe?

0
SHARE

Garoowe (Garsoor Online) – Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Kantaroolka Koonfureed ee magaalada Garowe.

Ciidamadan ayaa sidoo kale mar sii horeysay qabsaday Xarunta Baarlamaanka ee Maamulkaasi, iyadoo xusid mudan in Ciidamada ay ka cawanayaan musharaa la’aan.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa dhankooda ku hanjabay inay talaabo cad qaadi doonaan hadii aan la bixin mushaaraadkooda.

Ugu dambeyn, Madaxda Maamulka Puntland weli wax war ah kama aysan soo saarin talaabadan ay qaadeen Ciidamada Xooga Maamulkaasi.

LEAVE A REPLY