Maxaa Ka Socda Hada Xarunta Doorashada Somalia?

by Farah C/laahi | Wednesday, Feb 8, 2017 | 43 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in hada ay soconeyso kulamo gaar gaar ag iyo xod xodosho xaga cododka.

Wariyayaasha ku sugan Goobta ayaa sheegaya in musharaxiinta ugu codadka badan ay wadaan kulamo ay isugu soo dhawaanayaan oo ay ku doonayaan in codkooda ay mideeyaan.

Siyaasiyiinta ka socda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyaguna wada in ay la heshiiyaan qaar kamid ah xildhibaanada iyo musharaxiinta codadka helay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Farmaajo iyo Sheekh Shariif ay u heshiin doonaan sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud.

Lasoco wixii ku soo kordhay

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response