Maxaa Ka dhacaya Khamiista Xarunta Golaha Shacabka

by Farah C/laahi | Wednesday, Feb 1, 2017 | 8 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Gudigga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Khamiista ay bilaaban doonto dageysiga Khudbadaha Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdiraxman Ducaale Bayle oo ah Gudoomiyaha Gudigga ayaa tilmaamay in liiska uu diyaarsan yahay, isla markaana ay wax walba u socdaan sidii la rabay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in qaladaad ay jiraan, balse aysan u joogsan doonin oo ay horay u socon doonaan.

Mr. Bayle ayaa hoosta ka xariiqay in bishan Feb 8 uu dalku yeelan doono Madaxweyne, taasna ay tahay waxa ay Soomaalidu ku hamineyso.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response