Maxaa hada ka socoda Magaalada Muqdisho?

by Farah C/laahi | Friday, Feb 24, 2017 | 33 views

Waxaa Magaalada Muqdisho hada ka soconayo diyaar garowga dibadbax lagu taageerayo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Boqolaal dad ah ayaa hada ku sii qul-qulaya fagaaraha weyn ee dalka jirka dahsoon, waxana la filayaa in isku soo bax balaaran uu ka dhaco.

Dibad baxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir, waxana lagu muujinayaa taageerada loo hayo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee shalay la magacaabay.

Like it? Share it!

Leave A Response